New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Isniin ah kulan xasaasi ah ku yeelan doono magaalada New York, iyada oo la filayo inay soo saaraan go’aan culus oo saameynaya Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Golaha ayaa qorshuhu yahay in gelinka dambe ee maanta ay u codeeyaan qaraar qabyo ah oo mar kale lagu kordhinayo cunaqabateynta saaran kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka, xubnaha golaha ayaa maanta ka fariisanaya sidii ay u cusbooneysiin lahaayeen howlgalka guddiga khubarada ah ee gacan ka geysta la socodka dhaqan-gelinta cunaqabateynta lagu soo rogay Al-Shabaab.
Dowladda Ingiriiska ayaa soo diyaarisay qaybo ka mid ah qoraalkan, kaas oo dib u cusbooneysiinaya ogolaanshaha mamnuucidda badda ee soo dejinta hubka sharci-darrada ah, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha, iyo mamnuucidda noocyada kala duwan ee walxaha qarxa.
Go’aankan waxa uu kusoo aadayaa, iyada oo dhowaan guddiga khubarada ah ee ka caawinaya Golaha Ammaanka fulinta cunaqabateynta Al-Shabaab ay soo gudbiyeen warbixintii ugu dambeysay, iyaga oo kusoo bandhigay in kooxdaasi weli halis ku tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, maadaama ay haystaan deegaano iyo degmooyin badan.
Warbixinta ayaa dhanka kale lagu caddeeyay in isbedel weyn ku yimid “awoodda” kooxda Daacish-Soomaaliya, kadib cadaadis gudaha ah oo la saaray, kaas oo ka dhashay howlgallo toos ah iyo duqeymo xooggan oo lagu garaacay.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xoogganaa oo dalka looga saarayo kooxaha argagixisada, waxaana qaybo badan oo kamid ah gobollada ka socda dagaallo culus oo lagu tirtirayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan Soomaaliya.