Xogta weerar madaafiic ah oo maanta lagu qaaday degmada Aadan Yabaal

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay lagu qaaday qaybo kamid ah gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaafiicda ayaa lasoo wariyay in lala beegsaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin halkaasi, balse ma geysan wax khasaare ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay madaafiicda kasoo tuurayeen duleedka degmada, kadibna ay ka hortag sameeyeen ciidamada huwanta.

Sidoo kale, waxaa hawada sare lagu arkay diyaarado dagaal oo iyaguna dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay aagga degmada Aadan Yabaal, taas oo keentay inay kala firxadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee soo gaaray halkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan baaris ku aaddan weerarkaasi, waxayna sheegeen inay soo qabteen tuhmanayaal loo haysto inay hagayeen weerarka madaafiicda ee xalay lagu beegsaday degmada Aadan Yabaal.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana aagga degmadaas isku fidiyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda oo diyaar u ah inay ka hortagaan Al-Shabaab.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa maalmahan culays xooggan saaray kooxda Al-Shabaab oo dhowr weerar ka fulisay, iyada oo isku deyday inay dib ula wareegto deeganno horay looga saaray, waxaana kamid ah Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar.