Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo shuruud adag ku xirtay ka qeyb-galka shirkaasi.
Puntland ayaa dalbatay in marka hore ay Villa Somalia ka laabato wax ka beddelkii ay ku samaysay dastuurka dalka, isla markaana dib loo soo celiyo dastuurkii lagu heshiiyay, si markaas la iskugu imaado miiska wada-hadalka.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta la hadlay salaaddii Ciidda kadib ayaa si toos ah ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dib uga laabto dhammaan isbeddellada lagu sameeyay dastuurka.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in aan la gaari karin heshiis siyaasadeed oo midho dhal ah ilaa ay Villa Somalia ogolaato in ay la timaaddo tanaasul dhab ah. Waxa uu si cad u sheegay in dowladda federaalka ay ku jirto dhammaadka muddo xileedkeedii, loona baahan yahay in si daah-furan looga wada-hadlo arrimaha doorashooyinka.
Sidoo kale wuxuu ku adkaystay in laga shaqeeyo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo lagu salaynayo dastuurka lagu heshiiyay, halkii laga sii ambaqaadi lahaa isbeddellada muranka dhaliyay. Wuxuuna xaqiijiyay in aysan aqbali doonin in la sii wado shirar aan sal adag lahayn, iyadoo aan la caddeyn qaabka loo wajaheyo arrimaha dastuurka.
Wuxuu xusay in mowqifka Puntland uu yahay mid mabda’iyan ku dhisan ilaalinta heshiisyadii hore iyo in aan la jabin qodobbadii lagu mideysnaa.
Sidoo kale waxa uu ka fal-celiyay warqaddii casuumaadda shirka ee ka soo baxday Villa Somalia, taasoo uu ku tilmaamay mid “isku dhex karis ah”, oo aan si cad loogu muujin cidda si rasmi ah loo casuumay iyo cidda laga tagay. Arrintaasi ayuu ku tilmaamay mid muujinaysa hannaanka aan fayoobayn ee loo marayo qaban-qaabada shirka.
Si kastaba, Xukuumadda Puntland waxay mar kale muujisay in ay diyaar u tahay wada-hadal iyo ka qeyb-gal siyaasadeed, balse waxay ku adkaysanaysaa in la helo jawi lagu kalsoonaan karo.
Tan ayaa waxay ka dhigan tahay in haddii aan la fulin shuruudda ku saabsan dastuurka, aysan Puntland u arkin shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh mid leh “sal sharci iyo siyaasi” oo loo wada siman yahay.