28.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Puntland oo shuruudo ay ku jirto doorashadii Jubaland ku xirtay gogosha Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in aysan ka qeyb geli doonin gogosha wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sababta ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan u hoggaansaneyn dastuurka iyo sharciga dalka.

Wasiirka Cadaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa sheegay in Puntland aysan wax wadahadal ah la furi doonin Dowladda Federaalka, ilaa buu yiri ay ku soo laabato xayndaabka dowladnimada.

Sidoo kale, wasiirkaan u hadlay Puntland ayaa sheegay in sidoo kale dowladda federaalka ay shuruud uga dhigeyso inay ogolaato in gogol wadatashi qaran oo dhab ah laga dhigo.

Qodobada ay Puntland shuruudda uga dhigtay ka qeyb-galka gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa sidoo kale kamid ah, in dowladdu ay ku noqoto dastuurkii lagu heshiiyay August 2012-kii, sidoo kalena dib loo soo celiyo Golihii Wadatashiga Qaranka oo isku beddelay xisbi siyaasadeed, in dalka loo jiheeyo doorasho qaran oo heshiis lagu yahay iyo in dowladu ay aqbasho doorashadii Jubbaland.

Wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka dhego-adaygay baaqyada bulshada ee tilmaamayey in jidka ay dowladdu ku socoto uusan ahayn mid sax ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 15-ka bishaan iclaamiyey gogol siyaasadeed oo siyaasiyiinta iyo hoggaanka bulshada uu u fidiyey si looga wadahadlo arrimaha khilaafku ka taagan yahay iyo nidaamyada muhiimka u ah dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gogoshani ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wadahadalka, kalsoonida iyo iskaashiga u dhexeeya qaybaha kala duwan ee hoggaanka siyaasadda iyo bulshada, si loo adkeeyo midnimada qaranka iyo horumarka dalka.

Ilaa hadda ma muuqato saansaan muujineysa in gogoshaasi ay furmi karto waqtigii loo qorsheeyey oo seddax maalmood ay ka harsan yihiin, mucaaradka ayaa sidoo kale horay shuruudo ugu xiray kasoo qeyb galka gogoshaas.

- Advertisement -

Read more

Local News