Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay ka baxaan magaalada, taasoo keentay in Al-Shabaab si buuxda ula wareegto gacan ku haynteeda Axaddii shalay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa ku tilmaamay weerarka mid “waxuushnimo ah oo si toos ah u beegsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha difaaca dalka u taagan”. Puntland waxay sidoo kale tacsiyo tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku naf waayay weerarkaasi, iyadoo ammaanay halganka iyo geesinimada ciidamada ku sugnaa Maxaas.
Puntland waxay sidoo kale si gaar ah u bogaadisay doorka ay qaateen ciidamada deegaanka ee iska caabiyay weerarka, inkasta oo ugu dambeyn ay dib uga gurteen magaalada.
Maxaas oo gashay gacanta Al-Shabaab
Dagaalka ayaa bilaabmay gelinkii hore ee Axadda, waxaana uu xoogiisu ka dhacay bannaanka sare ee magaalada Maxaas, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxyo ismiidaamin ah laga maqlay duleedka magaalada, taasoo muujinaysa sida uu weerarku u ahaa mid abaabulan oo xooggan.
Dagaalka kaddib, wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si buuxda uga baxeen magaalada, taasoo sababtay in Al-Shabaab ay la wareegto degmada. Al-Shabaab ayaa si degdeg ah u shaacisay sheegashada la wareegidda magaalada, iyadoo baraha bulshada ku faafisay qoraal arrintaas lagu caddeeyay.
Illaa hadda, dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, taasoo sare u qaadaysa walbahaarka shacabka ku nool deegaanka iyo su’aalaha ku saabsan habsami-u-socodka amniga gobollada dhexe.
Caasimada Online ayaa sidoo kale xaqiijisay in dagaalkii Maxaas uu sababay khasaare culus, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka, kuwaasoo ay ka mid tahay taliyaha Nabad-sugidda degmada Cadaado.
Xaaladda guud ee gobolka Hiiraan ayaa wali ah mid kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayo deegaanno dhowr ah oo hoos taga gobolka, si looga hortago weerarro dheeraad ah.
Baahida qorshe qaran oo wadajir ah
Puntland ayaa sheegtay in dhacdada Maxaas ay markale muujisay baahida degdegga ah ee loo qabo iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo helo qorshe mideysan oo looga hortago khatarta Al-Shabaab.
Bayaanka Puntland ayaa lagu yiri: “Xaaladda gobollada dhexe ee Soomaaliya waxay u baahan tahay qorshe qaran oo wadajir ah, si looga hortago halista sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab.”
Puntland waxay sidoo kale muujisay welwel xooggan oo ay ka qabto kororka weerarada kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan isku dayadooda ay ku doonayaan in ay dib ula wareegaan deegaanno muhiim ah oo horey looga xoreeyay. Bayaanku wuxuu si gaar ah u xusay degmooyin sida Sabiib, Caanole iyo Moqokori – kuwaasoo hadda gacanta ugu jira kooxda.
Puntland waxay ugu dambeyn ugu baaqday beesha caalamka in ay si buuxda u garab istaagto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah, iyadoo ka codsatay taageero muuqata oo dhinacyada amniga, sirdoonka iyo qalabka dagaalka ah.
Bayaan ku saabsanaa arrintan ayaa lagu yiri: “Si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamka ay si dhab ah u garab istaagto dadaallada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.”
La wareegidda Maxaas, oo muddo sanado ah ahayd saldhig muhiim ah oo dagaalka lagaga hagayo gobollada dhexe, ayaa loo arkaa in ay dhaawac weyn u geysatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladdan ayaa markale muujineysa in kooxda ay wali awood u leedahay weerarro istaraatiiji ah, haddii aan la helin istaraatiijiyad mideysan iyo taageero joogto ah oo qaran.