Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada maamulka Puntland ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka duulaanka kusoo qaaday deegaanada maamulka ayaa baqdin ka muujiyay dadka reer miiga ah ee wali ku nool deegaanada uu dagaalka ka socdo.
Digniino kasoo baxay Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada ayaa waxaa loogu digay dadka reer miiga ah ee ku adkeysanaaya ku nagaanshaha deegaanka uu dagaalka ka socdo.
Saraakiisha ayaa dadka ku amray inay isaga guuraan Nawaaxiga xarumaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka, si ay uga badbaadan hubka loo adeegsanaayo maleeshiyada.
Saraakiisha ayaa sheegtay in suuragal ay tahay in maleeshiyaadka firxadkooda uu gaaro goobaha ay dadka reer miiga ah ku noolyihiin, waxa ayna Saraakiishu ka digeen in dhibaatada maleeshiyada loo maleegaayo ay saameyso dadka deegaanka ee reer miiga ah, sidaa aawgeedna ku baaqay in deegaanadaasi ay isaga baxaan dadka.
Ciidamada maamulka ayaa ka cabsi qaba in maleeshiyaadka ay isku muuqaal ekeysiiyaan dadka deegaanka, waxa ayna ku baaqayaan in deegaanadaasi oo idil laga baxo.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka iyo Ciidamada dagaalka ku jira ayaa guulo ka sheegtay dagaalka lagula jiro maleeshiyada duulaanka ku qaaday deegaanada hoostaga Gobolka Nugaal.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]