25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Puntland & beeneyn cusub oo hor leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan cidna uga qaybgalin shir heer qaran oo looga hadlaayay arrimaha caafimaadka kaasoo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland Dr: Cali Cabdullaahi Warsame oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa beeniyay in ay ka qayb galeen shirka looga hadlayo arimaha caafimaadka.

Wasiirka ayaa tilmaamay dadka qaybgalay shirka ee watay magaca Puntland in yihiin kuwo aan matalin maamulkooda, shirkaasina aaneyn cidna u dirsan .

Mar uu ka hadlaayay sababta ay uga qaybgali waayeen shirka, wuxuu tilmaamay in wax xiriir ah uusan ka dhexeynin dowladda dhexe ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Puntland ayaa dhowr goor oo horey beenisay inay ka qeyb gashay shirar badan oo ka dhacay Muqdisho, oo dad deegaankaas ku abtirsada ay joogeen.

Sidoo kale maamulka Somaliland ayaa horrey u beeniyay hadal ka soo yeeray wasaaradda adeegga bulshadda oo shirkan qabtay taasoo sheegtay in xirfadlayaal ka socda Somaliland ay shirka ka qaybgaleen balse Somaliland hadalkaas waxa ay ky tilmaamtay mid been abuur ah, Soomaaliyana aysan waxbo ugu darsaneen.

Shirka waxaa laga soo saaray qoddobadan muhiimka ah:-

1: In la sameeyo maamulka caafimaadka iyo maareeyntiisa

2: In la sameeyo siyaasad iyo istiraatiijiyad caafimaad

3: In dib loo habeeyo nidaamka iyo sharciyada caafimaadka

4: In la xoojiyo hogaanka iyo maareeynta guud ee caafimaadka

5: In la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ay wasaaradda caafimaadku la leedahay hay’adaha si loo helo wada shaqeyn fiican,taasi oo horseed u noqoneeysa ka faa’ideysiga dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka xaga caafimaadka.
Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News