Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay xarigga dadka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ee haatan lagu haysto waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Guddoomiyaha gobolkan ugu magacaaban Puntland Faysal Sheekh Cali (Jifo-Jabsade) ayaa sheegay in dadkaasi ay u xiran yihiin Diyo loo haysto muddo 19 sano ah, sidaasna lagu soo xiray.
Faysal Jifo-Jabsade ayaa sidoo kale beeniyay eedeymaha loo jeedinayo Puntland ee ah inay tacaddiyo u gaysteen dadkaasi, wuxuuna tilmaamay in iyagu ay is xir-xireen, ujeedkana uu yahay in reerahood ay magta ka bixiyaan.
“Nimanka xir-xiran ee aad aragteen iyagaa is xir-xiray, si ay reerahooda usoo bixiyaan Diyo 19 sano laga sugayay hadda ayaan sii deyneynaa kaliya magtii baa laga rabaa” ayuu yiri.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Annagu martida waa jecelnahay meesha ay rabaan haka yimaadeen Bayadhaba, Xamar iyo Jowhar-ba”.
Dadka xiran oo tiradooda ay gaareyso illaa 12 qof ayaa loo haystaa dil horay u dhacay, iyada oo laga doonayo magta marxuumka oo 19 sano kahor la dilay.
Sidoo kale dadkan ayaa isugu jiro ganacsato iyo nabadoonno kasoo jeeda Digil iyo Mirifle, sida uu shaaciyay siyaasiga Cabdisataar Xasan Cali oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed.
Waxaa kale oo uu intaasi ksuii daray in si arxan darro ah loola dhaqmay dadka xiran, isaga oo sidoo kale carabka ku dhuftay ‘inay haysato jufo kamid ah Beesha Cumar Maxmauud’.
“Waxaa magaalada Gaalkacyo lagu xiray 12 qof oo reer Koonfur Galbeed ah oo si naxariis darro ah loola dhaqmay oo silis lugaha looga xiray oo xitaa joodari iyo salli ay ku seexdaan aan la siinin, waxayna isugu jiraan ganacsato iyo nabadoonno ” ayuu yiri Cabdisataar Xasan Cali.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay ” Sida naloo sheegay waxaa dadkaas haysta jufo kamid ah Beesha Cumar Maxamuud, Puntland hadii ay beelo tahayna hanaloo caddeeyo, hadii aan nahay siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, haddii ay maamul tahayna hanaloo caddeeyo”.
Arrintan oo dhalisay carro xooggan ayaa si weyn looga dhiidhiyay baraha bulshada, halkaas oo lagu baahiyay muuqaallo muujinaya rag lugaha iyo gacmaha ka xiran oo lagu haysto goob gaar ah — taas oo loo arkay fal ceeb ku ah dhaqanka Soomaaliyeed.