25.5 C
Mogadishu
Sunday, July 20, 2025

Puntland oo war cusub oo yaab leh ka soo saartay markabkii hubka ee ay qabsatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in markabka lagu magacaabo MV Sea World ee ay dhowaan qabteen uu si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda laba maalmood, isaga oo aan wax codsi caawimaad ah soo gudbin, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xuduudaha badda.

Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xog hordhac ah ay muujinayso in markabkaasi uusan la socon wax sharciyad ah oo oggolaanaya joogitaankiisa biyaha Puntland, taas oo ka hor imaneysa heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta madax-bannaanida badeed ee dalalka, gaar ahaan Xeerka Qaramada Midoobay ee Badda (UNCLOS 1982), sida ay hadalka u dhigtay.

“Markabkan waxa uu jebiyay xeerarka caalamiga ah ee dhigaya in markab shisheeye uusan si sharci-darro ah ku geli karin biyaha xuduudda badeed ee dowlad kale, gaar ahaan marka uu xambaarsan yahay hub muuqda oo halis amni abuuri kara,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida lagu xusay, MV Sea World waxa uu ku sugnaa meel kamid ah aagga dagaalka lagula jiro kooxda Daacish (ISIS), taasoo Puntland ku tilmaantay mid khatar dheeraad ah ku keenaysa nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Puntland waxay sheegtay inay haysato awood sharci ah oo ay ku baari karto maraakiibta soo gasha biyaha ay maamusho, iyadoo cuskaysa qodobbada 25(1) iyo 27(1) ee xeerka UNCLOS.

“Dowladdu waxay hadda ku guda jirtaa baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda iska leh markabkan, ujeeddadiisa dhabta ah, iyo waxa uu sido,” ayay tiri wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay in baaritaanka kadib lala xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha xadgudubka.

Sidoo kale, bayaanku wuxuu xusay in markabkan uusan raacin nidaamka diblomaasiyadeed ee looga baahanyahay maraakiibta leh halista ciidan ama sharci-darrada ah, kuwaas oo waajib ku ah inay si rasmi ah u wargeliyaan dowladda ay gelayaan biyahaheeda.

Wasaaraddu waxay shacabka Puntland iyo beesha caalamka la wadaagtay in joogitaanka markabkaasi si dhuumasho ah uu khatar weyn ku yahay ammaanka Puntland, gaar ahaan maadaama uu ku sugnaa aag ay dowladda kula dagaallameyso kooxaha argagixisada.

“Waa meel muhiim ah oo ay dhowaan ka dhaceen howlgallo ka dhan ah argagixisada caalamiga ah, sidaa darteed joogitaanka markab shisheeye oo aan fasax haysan waa arrin aad u culus oo u baahan feejignaan dheeraad ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Puntland oo ka gaabsaday in la magacaabo.

Puntland ayaa sheegtay inay si buuxda ugu go’an tahay difaaca madax-bannaanideeda, ilaalinta biyaha xuduudaheeda iyo xaqiijinta ammaanka, iyadoo sheegtay in wixii ka dhasha baaritaanka markabkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

“Puntland waxay la xisaabtami doontaa cid kasta oo ku lug yeelata xadgudubka sharciga badda iyo halista amni ee markabkan wato,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda.

Sabtidii, Ciidanka Booliska Badda ee Puntland (PMPF), oo ah ciidan amniga gobolka ah oo ay inta badan tababareen isla markaana maalgeliyaan Imaaraadka, ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen markabka sitay calanka Turkiga ee MV Sea World.

Markabka ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna ku socday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu gayn rabay hubka iyo gaadiidka uu sido.

“Hubka oo dhan waxa uu xambaarsan yahay calaamado Turkish ah,” ayuu sarkaal ka tirsan Puntland u sheegay warbaahinta deegaanka, mana uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca iyo tirada hubka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo madax-bannaan oo ku dhow kiiskan ayaa Caasimada Online siisay xog horudhac ah, inkastoo aan weli la xaqiijin. Sida ay sheegeen, xamuulka waxaa ka mid ah hub culus oo kala duwan, gaadiidka dagaalka ee gaashaaman, iyo qoryaha casriga ah ee lidka diyaaradaha oo lagu tilmaamay “kuwo aan horey loo keenin Geeska Afrika,” iyo sidoo kale qalab militari iyo rasaas noocyo badan leh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya — oo si weyn ugu tiirsan Turkiga dhinacyada taageerada milatari, horumarinta kaabayaasha, iyo gargaarka bini’aadannimo — ayaan si fagaare ah uga hadlin qabashada markabka.

- Advertisement -

Read more

Local News