Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saartay markabka Sea World ee hubka u siday dawladda federaalka, kaas oo ay shalay ciidamada badda maamulkaasi ay ku qabteen xeebta degmada Bareeda ee u dhow Raas Caseyr.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in markabka oo dabaylaha badda kaga soo gambaday xeebaha degmada Bareeda ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Ciidanka Badda Puntland (Puntland Maritime Police Force – PMPF), ayna ku hayaan baaritaanno dheeraad ah.
Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in warbixinta markabka, cadadka hubka uu sido iyo natiijada kasoo baxda baaritaankooda ay la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed.
“Markab hub sida oo dabaylaha badda ka dhacaya kaga soo gambaday xeebta Bareeda ee Puntland ayaa ciidanka amaanka qabteen, waana la baadhayaa wixii ka soo kordha saxaafadda waa lala wadaagaya,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.
Inkasta oo wasiirku sheegay inay weli baaritaanno ku hayaan markabkan, haddana waxaa soo baxaya in markabka ay markii hore cilad soo wajahday oo la caawiyay, uuna isla saaka ku xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.
Markabka lagu magacaabo Sea World ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna ku socday Muqdisho, halkaas oo uu gayn rabay hub culus iyo gaadiid gaashaaman uu sido.
Dhacdadan ayaa si deg-deg ah u noqotay qodob kale oo sii hurin kara xiisadda maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, oo illaa hadda aan ka hadlin arrintan. Labada dhinac ayaa xiriirkoodu ahaa mid cakiran oo inta badan ay colaado hareeyeen muddo dheer.
Si kastaba, Milkiyadda markabka oo la sheegay inay Turkey leedahay iyo halka uu ku socday ee Muqdisho, ayaa dhalisay su’aalo culus, gaar ahaan marka la eego iskaashiga xoogan ee dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Turkey iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Tan iyo horraantii 2010-kii, Turkey waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay dib u dhiska ciidamada amniga Soomaaliya iyo bixinta qalabka militari.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Soomaaliya u arka inay tahay meel muhiim ah oo istiraatiiji ah oo laga galo qaaradda Afrika, waxaana Ankara ay si weyn uga maalgelisay kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gargaarka bini’aadannimo, iyo dib-u-habeynta qaybta amniga.
Toddobaad un ka hor, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku sugnaa Turkey, taasoo xoojineysa iskaashiga heerka sare ah ee ka dhexeeya labada dal. Inkastoo la rumeysan yahay in heshiis difaac iyo dhaqaale uu ka dhexeeyo labada dowladood, haddana faahfaahintiisa – gaar ahaan kuwa la xiriira hubka – lama soo bandhigin.