Puntland oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan iyo Xamza

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu hoos u dhigay khilaafkaasi kala dhaxeeya maamulka Puntland, isaga oo sheegay in uusan ogeyn  waxa ay ka tabwaneyso dowladdiisa.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay wax badan tartay dib-u-dhiska Soomaaliya, islamarkaana ay dowladda Xasan isku haysan dan shaqsi ee isku hayaan inaysan qeyb ka noqon karin waxa hadda socda, oo ka gedisan wixii lagu heshiiyay, sida uu sheegay.

“Inta ay ka imaaneyso dowlad cadaali ah oo ay ka dhab tahay in nidaam federaal cadaali ah laga hirgeliyo dalka, waxay Puntland isticmaaleysa waxyaabaha Dastuurkeeda u ogol yahay, oo waxa aan qabsan karno qabsano, oo aynaan u dhutin Xamar,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Maamulka Puntland Maxamed Saciid Faroole.

Wasiirka ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxda sare ee dowladda federaalka inaysan rabin dowladnimo Soomaaliyeed, “Soomaalinimo ma rabaan oo Laascaano oo wiilal iyo gabdho yar oo Soomaali oo calan buluug ah wato oo lagu laynayo ayay madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii ka hadli la’yihiin. Marka la isma rabo ee maxaa la isku khasbaya.”

“Damuljadiida maanta waxay lamid tahay Damuljadiidi toban sano ka hor,” ayuu yiri wasiirka oo weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland ayuu sheegay in lagu naco rabitaankeeda dowladnimo lagu dhan yahay, sidaas darteed ay hadda usoo jeesteen inay ka shaqeeyaan danaha Puntland, islamarkaana ay hoos iskaga dhigeen xiriirkii dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Xamar joogta oo iyadaba la waardiyeynayo oo ciidan caalami ah waardiyeynaya ayaa rabta inay mashruuc walba iyo hay’add walba gacanta ku hayso, anaga waxaa rabnaa in Puntland ay yimaadan oo laga shaqeeyo maal-gashiga Puntland oo aan ka shaqeyno siyaasadayada iyo horumarkayaga.”

Si kastaba, Puntland oo dhibsatay in madaxweyne Xasan uu hoos u dhigo khilaafka kala dhaxeeya ayaa sheegtay inaysan tabasho qabin ee talada dalka wax ku leedahey, islamarkaana laga tillaabsan karin, maadama ay dhiig iyo dhaqaale ku bixisay dhismaha dowladnimada dalka iyo soo-celinta Jamhuuriyadda 3-aad ee Somalia oo ah tan maanta jirta.