Xoghayaha guud ee QM oo ergey cusub usoo magacaabay Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay Britain inay noqoto Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa sidoo kale noqoneysa Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM, waxayna xilka kala wareegi doonta Amb. James Swan oo isagu u dhashay dalka Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Xoghaye Guterres ayaa waxaa lagu sheegay in Catriona Laing kusoo kordhin doonto doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblumaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah.

Sidoo kale oo ay ku jirto in Laing ay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dowladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM António Guterres.

Catriona Laing ayaa hore u soo noqotay madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993-dii illaa 1994-tii.

Catriona ayaa magacaabisteedan ka hor waxay aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay November 2018-kii illaa April 2023-ka.

Magacaabistan ayaa imaneysa kadib booqasho taariikhi ah oo 11-kii April ee sanadkaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

António Guterres ayaa xilligaasi ka dhawaajiyay in QM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo argagixisanimada iyo xagjirnimada rabshadaha wata.