Puntland oo xabsiga dhigtay mas’uul ka tirsan Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay gudoomiye kuxigeenka Somaliland u qaabilsan degmada Badhan, sida ay sheegayaan warar hada nasoo gaaray.

Cabdiraxmaan Axmed Muuse “Suldaan Suus” ayaa ciidamada Puntland waxay xireen kadib markii uu ka dhago adeygay baaqyo kala duwan oo maamulkooda ugu soo jeediyen in uu ku biiro, isla markaana iska casilo xilka uu Somaliland u hayo, sidii ay hore ugu biireen maamulka Puntland Guddoomiyihii degmadaasi.

Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay ku howlaneed qorsho ay Mas’uuliyiinta deegaanada ay isku hayaan Somaliland kula soo wareegayaan, taasi oo mudooyinkii dambe sare u qaaday madaxda ka soo goosatay Somaliland.

Guddoomiyihii magaalada Badhan iyo Taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan, ayaa hore ugu biirey maamulka Puntland, kuwaasi oo kordhinayey tirada madaxda Somaliland ka soo goosatay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com