25 C
Mogadishu
Thursday, February 5, 2026

Puntland oo xaqiijisay in si fudud maamulka lagu soo galiyo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in gudaha maamulka lasoo geliyo hub sharci-darro ah, kaasi oo si sahlan usoo geliyaan ganacsato si gaar ah uga shaqeysta arrintaan.

La-taliyaha Amniga Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in ay jiraan ganacsato si gaar ah uga shaqeeya soo gelinta hubka, kaas oo khatar amni ku ah maamulka.

Waxa uu tilmaamay in shaqsiyaadka ka ganacsada hubka ay awood u leeyihiin in si dhakhso ah u keenaan noocyo kala duwan oo hub ah marka lacag la helo. La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ayaa si gaar ah u xusay in meelaha laga soo dejiyo ay u badan yihiin xeebaha, iyadoo ay jiraan meelo kale oo dalka ka mid ah.

La-taliyaha ayaa sheegay in qulqulka waxyaabaha sharci-darrada ah la xakamayn karo, haddii gebi ahaanba la mamnuuco, lana dhaqan geliyo sharciyo adag oo ka hortagaya soo dejintooda, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku lug yeelata, lagana wareego wixii la soo geliyo.

“Hub kasta oo aan dawladdu lahayn waa sharci-darro. Haddii la soo dejiyo waa in la qabtaa, cidda lagu helana maxkamad waa in la horgeeyaa, hubkana laga qaadaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale, La-taliyaha ayaa ku baaqay in la sameeyo hannaan wax-ku-ool ah oo lagu xakameeyo arrintan, si loo sugo amniga iyo kala dambeynta Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Puntland uu fara ba’an ku hayo hubka sharci darrada ah, kaasi oo la sheego in ka ganacsigiisa qeyb ka yihiin siyaasiyiin iyo ganacsato maxalli ah, kuwaas oo inta badan Yemen ka keena hubka fudud iyo kan culus.

Yemen ayaa ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee lagu kala iibsado hubka sharci-darrada ah, sida ay hore u sheegeen warbixinno ay soo saareen Qaramada Midoobay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale horay liiska cuna-qabataynta ugu daray shakhsiyaad ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin ganacsiga hubka sharci-darrada ah, oo qeybo kamid ah ay gaareen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

- Advertisement -

Read more

Local News