Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Xarfo oo ku yaalla Waqooyiga gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland, ay halkaasi ku xayireen gaadiid u rararnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka ayaa warbaahinta u sheegay in labaddii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen degaanka ka dib markii lagu rogay Canshuur Xad dhaaf ah oo aysan bixin karin.
Gaadiidka ayaa horay u bixin jiray lacag dhan $40 Dolllar halka hadana lagu sii daray $20 Dollar oo kale iyadoona wadarta guud ee lacagtaasi ay noqonayso $60 Dollar.
Maamulka Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Mudug ayaa gaadiidleyda u sheegay in lacagtaan lagu difaaci doono gobolka Sool oo inta badan ay ku dagaallamaan Maamulada Somaliland iyo Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.comÂ