Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay inay doonayaan inay dowladda Somalia kala furaan wada hadal, wax ay ugu yeereen hantida la kala heysto ee magaalada Muqdisho, balse dowladda ay taasi ka meer meereyso.
Wasiirka warfaafinta Puntland Axmad Shiikh Jaamac oo shir ku qabtay magaalada Garowe ayaa DF ku eedeeyay inaan haba yaraatee ku dhiiran sidii wax looga qaban lahaa hantida shacabka oouu sheegay in mudo 22-sano ah si xoog ah loogu haysto magalada Muqdisho.
Axmed Sheekh ma uusan cayiman nooca hantida uu sheegay in Muqdisho lagu heysto, cidda heysata iyo tan laga heysta intaba.
Waxa uu sheegay in arintaasi ay dowladu ka war wareegayso isla markaasina aan loo baahnayn in guddi loo saaro, oo sida uu yiri ay qasab tahay in lasoo eliyo
Sidoo kale Axmad Shiikh Jaamac Dowlada Somalia waxa uu ku tilmaamay dadka hogaaminaya inay yihiin kuwi hantida dowlada u beec geeyay dibada, islamarkaasina ku gor gortamay iibinta biyaha Somalia,wuxuna sheegay masuuliyiintaasi inaysan u dhigmin kuwo dalka hogaamin kara, sida uu hadalka u dhigay.
Puntand, ayaa maalin kasta qeylo dhaan iyo cabasho ka dhan ah Dowladda Somalia wareejneysa, Garoowe, Nairobi illaa iyo Addis-Ababa, ayada oo dowladuna aanay wax jawaab ah siin,amaba ka warheyn qeyla dhaanta Puntland.
Dooda hantida la kala heysto, ayaa dad badan ay aaminsan yihiin, haddiiba ay dhacdo in la isku celiyo ay muhim tahay in laga soo billaabo 1960-kii.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]