Putin iyo Medvedev iyo Farmaajo iyo R/W Kheyre maxaa ka dhexayn kara?

Badanaaba xukuumadaha adduunka ka dhisan, waxaa hoggaamiya oo maamula,  xisbigii hela codadka ugu badan doorashadii dalkaa dhacda.  Xisbiyada gudahooda waxa ay qabtaan doorasho waxa ayna iska soo dhex saaraan qofkii ay u arkaan in uu bulshadooda ka gadmayo, xisbigoodana guul u soo hoynayo. Xisbiyada waxa u degsan mabaadi’ iyo caqiido xubnihiisu isku wada raacsanyahay. Mabda’a iyo caqiidadaa ayaa xubno iyo rag xisbi kuwada jira ka dhiga saaxiibo khaas ah oo il kaliya wax ku arka dheg kaliyana wax ku maqla.

Ragga siyaasadu mataanaysay tusaale waxa u soo qaadan karnaa, madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo saaxiibkii Dimitri Medvedev, labadaa nin oo hada dhowr iyo toban sanno hoggaaminaya dalkaas dhowr jeer ayay xafiisyada is dhaafsadeen oo midba midka kale xafiiska u baneeyay. Saaxiibtinimada iyo wada shaqaynta labadaa nin ka dhexaysa, waxa ay dalka Ruushka ka badbaadisay in uu ku hoobto oo ku kala firdhado qalalaasihii iyo jahawareerkii ka dhashay burburkii Midowgii Sofiyeeti ee uu Ruushku hoggaamiyaha ka ahaa, waxa ayna dalkaa u horseedeen deganaansho siyaasadeed iyo kobac dhaqaale.

Wadanka Turkiga, madaxweynihii hore Cabdalla Gul iyo kan hada talada haya Reccep Tayyip Erdogan, labaduba waa ardaydii ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga Najmudiin Arbakaan, waxa ayna xubna ka ahaayeen xisbigiii uu hoggaamin jiray Arbakaan ee dalkaa laga mamnuucay. Markii la mamnuucyay xisbigoodii,  xubnihiisiina xayiraad lagu soo rogay, waxa ay asaaseen xisbiga hada ka taliya dalkaa.

Erdogan mar walba Gul waxa uu ugu yeeri jiray”walaalkay”. Markii xisbigooda ku guulaystay doorashadii 2002-dii, Erdogan ma qabin karin wax xil ah, waxana saarnaa xayiraad maxakamadi saartay. Isbadal lagu sameeyay dastuurkaa maadaama ay iyagu kuraasta baarlamaanka badidood ku guulaysteen, Erdogan waa laga qaaday xayiraadii, xafiiskii ra’iisul wasaarahana waxa u baneeyay walaalkii Cabdalla Gul. Isbedala dhowr ah oo ka dhacay dalkaa iyo xisbigoodii oo noqday xisbiga wadanka uga awooda badan, waxa uu suurtowday in ay la wareegaan xafiiska madaxweynaha.

Gul-na waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee ka tirsan xisbi u janjeera xaga diinta ee xilkaa qabta tan iyo intii ay aasaasantay jamhuuriyada Turkiga.  Xisbigooda waxa uu Turkiga ka sameeyay isbedal siyaasadeed, oo la dhihi karo Afgambi siyaasadeed, waxa uu awoodii ka xayuubiyay jeneraaladii xoogaa badnaa ee siyaasada dalkaa gacanta ugu jirtay, sidoo kale waxa gaaarsiiyeen horumar dhaqaale.

Soomaaliya oo siyaasadu ku dhisantay hab beeleed iyo xubna qaybsi ayaa waxa  dhacda ninkii madaxweyne loo soo doorto in uu ku wareero qofkii uu ra’iisul u magacaabi lahaa, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa isagana ku wareera sidii uu heli lahaa xubnihii ka mid noqon lahaa xukuumadiisa.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waa ra’iisul wasaarihii ugu cimriga dheeraa,  burburkii kadib, maalmo ka hor ayuu dhamaystay laba sanno oo uu xafiiska joogay. Kheyre oo filanaya in ay usoo baxdo qorraxda, sannadii seddexaad ee xafiiska ugu dhalata, ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya isaga iyo Farmaajo in uu khilaaf u dhaxeeyo, sannadka cusub ee u bilowdayna xafiiska ku dhex sagootin doonin.  Khilaafka ayaa la leeyahay waxa uu salka ku hayaa, Kheyre oo uu galay damac ah in uu isu soo sharaxo jagada madaxweynaha, Farmaajo oo isagana quud daraynaya mar kale in uu xafiiska kusoo laabto booska ka riixdo.

Farmaajo iyo Kheyre isku xisbi ma ahan saaxiibtinimo horana kama aysan dhexayn,  rag shaqo doon ah oo dani kulmisay ayay ahaayeen. Waxaase isweydiin leh Farmaajo iyo Kheyre wada shaqaaynta iyo isfahamka ay labadii sanno ee lasoo dhaafay muujiyeen, maku sii wada joogin doonaan, caado iyo dhaqan siyaasadeed oo cusub ma bilaabi doonaan? Farmaajo talaabo aan weli dalkeena looga baran maqaadi doonaa oo xafiiska Kheyre ma u banayn doonaa? Kheyre damaca ma iska dayn doonaa oo Farmaajo fursad ma usiin doonaa in marklae lasoo doorto?

Dalkeena oo sida inoo muuqata rag horay usoo wada shaqeeyay iyo qaar hada weli wada shaqeeya ninba dhinac u ordaayo, xisbi ugooniyana samaystay, Farmaajo iyo Kheyre in xafiisyada is-weydaarsadaan waa arrin aan marnaba la filayn. Ugu yaraan waxa aan ka filan karno waa iyaga oo muddada xiligooda ka dhiman wada dhamaysta,  doorashada la filayana xal xisbi kusoo gala, midaa oo iyada qudheeda la dhihi karo waa bisayl siyaasadeed, oo wadanka u horseedi kara deganaansho siyaasadeed iyo in la helo xisbiyo ku dhisan mabda’a iyo caqiido ee aan ku dhisnayn dano shaqsiyadeed iyo mid beeleed.

W/Q: Cabdirisaaq Xuseen Dhiiloow
dhiilow008@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid