26.6 C
Mogadishu
Saturday, March 14, 2026

Putin oo Trump u bandhigay qorshe yaab leh oo ku saabsan Iiraan + Jawaabta Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Moscow (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday soo-jeedina uga yimid dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin, kaas oo ahaa in xukuumadda Moscow ay la wareegto, oo ay dalkeeda u daadgureyso Yuraaniyamta la kobciyay ee Iiraan, tallaabo qayb ka noqon lahayd heshiis xabad-joojin oo lagu soo afjarayo dagaalka haatan socda.

Sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen warbaahinta Axios, xaqiijinta gacan-ku-haynta qiyaastii 450 kiiloogaraam oo ah Yuraaniyamta Iiraan ee la kobciyay boqolkiiba 60% — taas oo toddobaadyo gudahood loo beddeli karo heer hub nukliyeer ah, kuna filan sameynta in ka badan 10 bambaano oo nukliyeer ah — ayaa ah mid ka mid ah yoolalka ugu waaweyn ee istaraatiijiyadda dagaalka ee Mareykanka iyo Israa’iil.

Fikraddan uu Putin soo jeediyay ayaa aragti ahaan gacan ka geysan lahayd in meesha laga saaro kaydka nukliyeerka Iiraan iyadoo aan la isticmaalin ciidamo Mareykan ama Israa’iili ah oo gudaha Iiraan ka hawlgala.

Ruushka oo ah quwad nukliyeer ah ayaa sanadkii 2015-kii la wareegay Yuraaniyamtii Iiraan ee heerkeedu hooseeyay, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah waddamada tirada yar ee leh awoodda farsamo ee ay ku aqbali karaan maadadan halista ah.

Putin ayaa wadahadal dhanka taleefanka ah oo uu Isniintii la yeeshay Trump ku soo bandhigay fikrado dhowr ah oo lagu soo afjarayo colaadda, waxaana qorshaha Yuraaniyamta uu ahaa mid ka mid ah xalalka uu soo bandhigay.

Sarkaal Mareykan ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in arrintani aysan ahayn markii ugu horreysay ee Ruushku uu miiska soo saaro, balse weli aan la aqbalin, isagoo xusay in mowqifka Mareykanka uu yahay in si dhab ah loo xaqiijiyo ammaanka Yuraaniyamtaas.

Ruushka ayaa soo jeedino la mid ah tan keenay bishii May ee sanadkii hore intii ay socdeen wadahadalladii nukliyeerka ee Mareykanka iyo Iiraan, iyo sidoo kale toddobaadyadii ka horreeyay inta uusan dagaalka hadda socda qarxin.

Wareeggii ugu dambeeyay ee wadahadallada, Iiraan ayaa diidday fikradda ah in dibadda loo dhoofiyo kaydkeeda, iyadoo beddelkeeda soo jeedisay in Yuraaniyamta lagu milo ama lagu qaso gudaha xarumaheeda iyadoo ay kormeerayaan wakiilada Hay’adda Tamarta Atoomikada Adduunka (IAEA).

In kasta oo aysan caddayn in Iiraan ay hadda aqbali lahayd qorshahan iyo in kale, haddana sarkaalka Mareykanka ah ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu diyaar u yahay inuu la hadlo qof kasta oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha, Ruushka iyo Yurub, balse uu doonayo kaliya “heshiis wanaagsan,” isagoo iska ilaalinaya inuu galo heshiisyo jilicsan.

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa dhankooda ka fiirsanayay suurta-galnimada in ciidamo si gaar ah u tababaran (Special Forces) loo diro gudaha Iiraan si ay ula wareegaan kaydka nukliyeerka wejiyada dambe ee dagaalka.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, oo Jimcihii qabtay shir jaraa’id, ayaa tilmaamay in xukuumadda Washington ay haysato ikhtiyaaro kala duwan oo ay kula wareegi karto Yuraaniyamta Iiraan ee sida weyn loo kobciyay.

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu soo dhaweyn lahaa haddii Iiraan ay si iskeed ah u soo gacan-geliso kaydkaas, isagoo yiri: “Diyaar uma aysan ahayn inay arrintaas sameeyaan intii lagu jiray wada-xaajoodyada. Waligey u sheegi maayo kooxdan ama adduunka waxa aan diyaar u nahay inaan sameyno ama inta aan diyaar u nahay inaan gaarno — laakiin hubaal ikhtiyaaro ayaan haysannaa.”

Si kastaba ha ahaatee, wareysi uu Madaxweyne Trump siiyay Fox News ayuu ku muujiyay in la-wareegidda Yuraaniyamta Iiraan aysan xilligan ahayn mudnaanta koowaad ee dalkiisa. “Diiradda ma saarayno arrintaas hadda, balse waa suurtagal inaan mar uun diiradda saarno,” ayuu yiri Trump.

Intii uu socday wareysigaas, Trump ayaa markii ugu horreysay qirtay in Ruushku uu Iiraan ka caawinayo dagaalka, kadib maalmo ay soo baxayeen warbixino sheegaya in Moscow ay sirdoon xasaasi ah siiso xukuumadda Tehran si ay u beegsato ciidamada Mareykanka.

Trump ayaa arrintaas la barbar dhigay taageerada uu dalkiisu siiyo Ukraine, isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa in Putin uu waxoogaa caawinayo iyaga… Isagana waxay u badan tahay inuu aaminsan yahay inaan caawinayno Ukraine, sow maaha? Sidaas ayuu leeyahay, Shiinuhuna sidaas oo kale ayay dhihi lahaayeen. Caddaalad marka la eego, iyaguba way sameeyaan annaguna waan sameynaa.”

- Advertisement -

Read more

Local News