Waxaan jeclaaday inaan talo ka dhiibto qaadashada madaxda dowladda ee koofida magalada Barawe lagu sameeyo, oo ann arko Madaxweynaha JFS mudane Maxamad Cabdullaahi “Farmaajo” uu qaba maalmahan dambe.
Koofidan 1954, ayay billaabatay in madaxda dowladdu qaadato, kadibna 1960, markii Jamhuuriyaddu dhalatay ayaa xeer laga dhigay in Madaxda Dowladdu qaadato markay shaqada ku jiraan, dalka gudihiisa iyo dibadba.
Haddii dib loo baaro taariikhdii dalka, waxaad arki in: Madaxweynihii ugu horeeyay Mudane Aadan Cadde, Gudoomiyihii golaha shacabka Mudane Jaamac Cabdullaahi Qaalib, Ku xigeenadiisi Xaaji Bashiir Ismaaciil iyo Axmad Qumane Rooble, Wasiirkii Koowaad Cabdirashiid Cali Sharmaárke, Wasiiradii, Xildhibaanadii, Gudoomiyeyaashii gobollada sida: Xassan Nuur Cilmi iyo Walaalkiis Xussen, Axmad Raage, Cali Cumar Sheegow, Jaamac Dhoof iyo kuwa kaleba, Safiiradii, dhammaan waxaa khasab ahaa inay qabaan koofidaas markay shaqada ku jiraan.
Waxaad arki kartaa Cabdirashiid Cali Sharma´arhe oo madaxweynihii Maraykanka ee 1962 John F Kennedy oo New York ku soo dhoweynaya asagoo koofidan qaba.
Waxaa aad muhiim u ah in qaadashada koofidan ay tahay shaqo abuur oo dadkii samayn jiray ay howl galayaan haddii madaxdoo dhan qaadato, intaan kor ku sheegay iyo kuwa kaleba sidaa agaasimayaasha iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka.
Qaadasha koofidan waxay madaxdu daysay markii dalka taladiisa ay la wareegeen ciidamadii qalabka siday 1969, oo iyagu leh dhar gaar ah oo loo yaqaan. koofida Madaxweynuhu hadda qaato waa u egtahay ee ma aha midii rasmiga ahayd marka waa in la helaa middii asalka ahayd, suuqa waa taal oo dad badan ayaa qaba.
W/Q: Garyaqaan Maxamad Xaaji