Muqdisho (Caasimada Online) – Guul darradii lama filaan ku noqtay kooxdii Damjadii ee 8-dii bishii Febraayo ee la soo dhaafay looga adkaaday xilka madaxtinimada dalka ayaa qaar ka mid ah Kooxda, waxaa la soo gudboonaatay xaalad jahwareer ah oo gaarsiiyey inay qaar dalka ka cararaan qaar kalana ay guryahooda gabaad ka dhigtaan ka dib markii ay wajiga sii kari waayeen siyaasiyiinta iyo dadka magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed.
Raggaan xaaladaan kali ahaanshaha ah ay la soo gudboonaatay ayaa ahaa wasiiro ka tirsanaa Xukuumaddii ugu dambeeysay ee Cumar Cabdirashiid kuwaasi oo ka qeyb qaatay iska horkeenka beelo Soomaaliyeed oo walal ah iyo daandaasni ay ku sameeyeen siyaasiyiin qaarkood kuraas Xildhibannimo ay ka hor istaageen iyo kuwa ciriir ay ku geliyeen kuraas xildhibaanimada xiligii ay socdeen doorashooyinkii xildhibaanimo ee ka dhacay magaalooyin ka mid ah gobollada dalka.
Marka laga yimaado awood sheegashooyinkaas ayaa haddana waxaa jira bahdil iyo hadallo aqlaaq darro ah ay u geeysteen siyaasiyiin, waxgarad iyo madax dhaqmeedyo Soomaaliyeed.
Inkastoo ay jireen wasiiradaasi dhallinyarada ah ee ficilada meel ka dhaca ah u geeystay siyaasiyiinta islmarkaana colaad ka dhax abuuray beelo Soomaaliyeed intii ay masuuliyada hayeen ayaa haddana waxaa jira rag badan oo ka tirsan Kooxda Damjadiid kuwaasi oo wali sumacad iyo karaamo ku dhex leh siyaasada iyo bulshada Soomaaliyeed walina aan looga maarmin garab istaagida dowladda Farmaajo sida Faraax Sheekh Cabdulqaadir, Cabdikariim Xuseen Guulleed iyo kuwa kale.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in raggaan Damjadiid ka ah ee qaarkood firaxadka dalka uga maqan iyo kuwa baholyoowga daashaday ee ku ku takri falalay masuuliyadii wasiirnimo ee uu u dhiibay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa lunsaday olalahii doorashada lacago badan oo loogu dhiibay xildhibaano iyo inay howl ku qabtaan taasi oo qeyb ka noqotay guuldaradii madaxweyne Xasan Sheekh oo sannado badan u sirnaa dhallinyaradaas Damjadiidka ee wasiirada ka ahaa xukuumadii ugu dambeysay ee Cumar Cabdirashiid.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]