Maamul goboleed cusub oo la filayo in dhowaan looga dhowaaqo…..

Muqdisho (Caasimada online) Waxgarad iyo Siyaasiyiin hore Xilal kala duwan uga soo qabtay talada Maamulka gobolka Hiraan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in maamulka iminka talada haya ee uu hogaamiyo Cabdi Faarax Laqanyo inuu waxtigii loo idmaday uu ka idlaaday.

Laqanyo , ayaa siyasiyiintan  waxay sheegeen in loo doortay inuu hogaan u noqdo gobolka  Hiiraan muddo lix bilood ah mudadii loo doortayna ay u dhamaatay sidaasi darteed loo baahan yahay inuu kursiga isaga dago.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Dabageed ayaa sheegay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay usoo dooran lahaayeen gudoomiye cusub oo uu yeesho maamulka gobolka Hiiraan, si maamulka talada iminka hayo badal uu ugu noqdo sida uu shaaciyay.

Sidoo kale Axmed Cabdale Cismaan Inji oo mar soo noqday gudomiye ku xigeen dhinaca siyaasada maamulka gobolka Hiiraan ayaa Maamulka talada haya ku eedeeyay in mudadii ay xilka hayeen aysan waxba qaban.

Maamulka iminka talada haya ee gobolka Hiiraan isla markaana uu hogaamiyo Cabdi Faarax Laqanyo ayaanan wali arimhaas oo dhan aanan ka hadlin .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com