Tirada baabuurta ka shaqeysa Xamar oo la shaaciyey (Imisa kun?)

Muqdisho (Caasimada Online) Tira koob uu sameeyay Xafiiska Iskaashitada gaadidka dadweynaha, waxaa lagu ogaaday in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay ka shaqeeyaan gawaari lagu qiyaasay tiradooda shan kun.

Guddoomiye ku-xigeenka guddigaas Maxamed Rashiid Maye oo saxaafadda shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka shaqeeyaan maanta 4954-gawaari oo ah kuwa dadweynaha ay raacaan, wuxuu sheegay  in baabuurtaaas ay qaar aadaan gobalada dalka balse ay ka amababaxaan caasimada Muqdisho.

“Waxaan ku guuleesanay in aan tirakooba sax ah aan ka soo saarno baabuurta ka shaqeeysa caasimada, waxaa hadda diiwangalinay ilaa 4954-baabuur oo ah kuwa dadweynaha” ayuu yiri Mr. Maye.

Wuxuu kaloo sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga iskaashitada gaadidleyda in ay baabuurtaas ku kala qori doonaan 17-ka degmo ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan billaabi doonaa mardhow in baabuurtaas aan ku kala qorno degmooyinka gobalka Banaadir arrintaas meel fiican ayey noo mareysaa” ayuu markale yiri Maye.

Ugu dambeen wuxuu soo dhaweeyay dayactir dowladda Turkiga ay ka wado qaybo ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, wuxuuna dowladda Soomaaliya ka coday in ay furaan wadooyinka lagu xiray dhagxaanta ee magaalada la dhigay.

Dad badan oo arrimahan yaqaana ayaa leh magaalada Muqdisho baabuurta ka shaqeesa iyo wadooyinka ku yaalla waa Kaaf iyo Kala dheeri waayo baabuurrta ayaa ka badan, wadooyinkana waa ku burbursan.

Ka sakow baabuurta oo Muqdisho ku soo badatay haddana waxaa maalin kasta magaalada lagu arkaa baabuur shilal gashay oo isku dhacday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com