Howl-gallada Ciidanka DF oo u gubday Masjidyada (Maxaa dhacay xalay?)

Afgooye (Caasimada Online) Degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa xaley ka dhacay howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada DF, kaasi oo lagu soo qabqabtay dad u badan dhallinyaro.

Howlgalkaas ayaa wuxuu ka dhacay labo Masjid oo ku yaalla xaafadda Xaawo Taako, waxaana dadka la soo qabqabtay markii salaada cishaha laga baxay.

Dadka la soo qabtay ayaa la geeyay saldhigga ciidamada Afgooye, waxaana qaar ka mid ah dadka la sheegay in la sii daayay kuwaasoo u badnaa dad da’ ah sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Howlgalkan ayaa la sheegay in looga gun lee yahay siddii ammaanka magaalada Afgooye loo xoojin lahaa maadama dhawaanahan ay ka dhacayeen falal ammaanka ka dhan ah.

Maamulka iyo ciidamada ammaanka degmada Afgooye kama hadlin howlgalka xaley ka dhacay xaafadda Xawaato ee degmada Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com