M/weyne Xasan Sheikh oo kulan la leh Maamulka & Waxgaradka Sh/Hoose

Marko (Caasimada online) Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha Soomaaliya  iyo Wafdigii uu hogaaminayay ee maanta gaaraya magaalada  Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kulamo waxay la qaadanayaan odayaasha, Waxgaradka iyo Maamulka gobolkaas.

Kulanka ayaa salka ku haya isweydaarsiga dhaqangalka Heshiis dhawaan dhexmaray Labo Beel oo wada dega gobolka Shabeelaha Hoose , iyadoo Ujeedka Safarka madaxweynaha ee gobolkaasna lagu sheegay inay tahay ka qeyb galka xaflad arintaasi ku aadan oo Marko ka dheceysa.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka Marko uu ku tagay ku wehliyay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Arimaha Gudaha iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Qeybaha kala duwan ee hey’adaha amniga dalka .

Dhawaan gobolkaas Waxaa dirir xoogan ay ku dhexmartay Beelaha Habargidir iyo Biyomaal inkastoo markii dambe arintaas ay ku bexeen xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya oo xiisadda dagaal xaliyay .

Dagaalka beelahaas ayaa markii hore wuxuu ku bilaawday is qabqabsi ku aadanaa Isbaarooyin lasoo buux dhaafiyay degmooyinka iyo deegaanada gobolkaas , kuwaas oo qaab qabiil gobolkaas ugu badanayay .

Wararka aan heleyno ayaa waxay sheegayaan in maanta guud ahaan Jidgooyooyinkii gobolkaasi yaalay la qaaday , iyadoona arintaas loo aaneynayo Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee wadada xiriirisa Muqdisho ilaa Marko.

Caasimada online

XafiiskaMarko

Caasimada@live.com