Qabyaaladda CC oo sir kale bannaanka keentay

Muqdisho(Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa wali sii wadda arimaha qancinta maamulka Jubbaland isagoo magaalada Muqdisho ugu yeeray  madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

Labo siyaabood ayaa Axmed Madoobe ku qasbaya inuu yimaado magaalada Muqdisho taasi oo ka dhalatay qabyaalada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, waxaa ugu horeeyo xalinta khilaafka Axmed Madoobe kala dhaxeeyo siyaasiyiinta kasoo jeedo gobolka Gedo.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada safarka Axmed Madoobe uu salka ku hayo ka qeyb galka shir looga hadlayo Hiigsiga cusub oo ka dhacaya magaalada Muqdisho kaasi oo uu ku wargeliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamuud Yuusuf Aw-Libaax oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sidoo  kale ku qasbaya Axmed Madoobe inuu yimaado magaalada Muqdisho ama uu usoo diro wafuud maamulkiisa mataleyso si ay goob joog dowlada kaga noqoto hishiiska dhexmaraya labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com