25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Qadar oo dhaqaale xoogan ugu deeqday Somalia iyo Ethiopia (Imisa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday inay dhaqaale xoogan ugu deeqeyso dowladaha Somalia iyo Ethiopia oo xiligaani ku garabtaagan xiisada kala dhexeysa Sacuudiga.

Lacagtaani ayaa waxaa amray amiirka dalka Qadar oo waayadani xiriir dhow la ah Somalia iyo Ethiopia, waxa uuna dhaqaalahaasi ugu tallo galay in lagu kobciyo dhaqaalaha labada dal.

Qadar ayaa la xaqiijiyay in Somalia ay ugu deeqeyso lacag dhan 3 milyan oo dollarka Mareykanka ah, halka dowladda Ethiopia loogu deeqi doono lacag dhan 10 milyan oo dollar ah.

Qeybo kamid ah lacagtani ayaa waxaa wax looga qaban doonaa arrimaha bani’aadanimo ee ka jira dalka Somalia, sida abaaraha.

Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa isku mowqif ka istagay xiisada ay Sacuudiga u abuureyso Qadar, oo iyadu lagu eedeeyay inay kaalmeyso Kooxaha Argagixisada ah.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan dowlada Sacuudiga ay ku goodisay inay jareyso dhammaan dhaqaalahii ay siin jirtay dowladaha Africa ee ka hor imaaday mowqifka looga soo horjeesanaayo Qadar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News