Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday in xiisada kala dhexeysa dowlada Sacuudiga ay abuureen dowlada reer galbeed ah oo kasoo horjeeda xiriirka ka dhexeeya dowladaha Khaliijka.
Wasaarada arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegtay in xiisada kala dhexeysa sacuudiga ay tahay mid ay maleegeen dowlada loo gaabiyay xiriirkii kala dhexeeyay.
Wasiirka arrimaha dibadda Qadar oo saxaafada kula hadlay magaalada Doaxa, ayaa sheegay in xiisada ay abuuren dowladaha Mareykanka, Ruushka iyo dowlada Israel oo iska kaashanaaya sida lagu burburin lahaa midnimada dowladaha carbeed.
Waxa uu sheegay Wasiirka in dowladiisa aysan saameyn ku yeelan doonin qorshaha loo maleegayo dalkiisa, waxa uuna intaa raaciyay inay diyaar u yihiin wixii xal ah.
Wasiirka waxa uu xiisada taagan ku tilmaamay mid ay horey usii qorsheeyeen Sacuudiga iyo Imaaraatiga, isla markaana ay doonayaan inay uga aargutaan dalka Qatar oo ay dhanka siyaasada isku khilaafsan yihiin.
Waxa uu intaa raaciyay in dowladiisa aysan diidin wadahadal lala furo Sacuudiga, waxa uuna cadeeyay in Amiirka Qadar uu si KMG ah u hakiyay Khudbad uu uga hadli lahaa xiisada taagan, isagoo taa ku micneeyay mid fursad lagu siinaayo codsiga uga yimid dalalka ku guda jira xalinta Khilaafka.
Docda kale, dalka Imaaraadka ayaa horey olole ugu jiray inuu iska horkeeno Qatar iyo Maraykanka, si saldhiga Maraykanka Qatar ku leeyahay loogu soo raro dalka Imaaraadka Carabta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]