Qalab ciidan oo loogu deeqay Ciidamo ka tirsan DF iyo Saraakiil ka hadashay

Beydhabo (Caasimada online) Taliyaha Ciidanka Degmada Bardaale, ee gobolka Baay, Ibraahim Rooboow, ayaawarbaahinta uga warbixiyay Agab ciidan oo loogu deeqay Ciidmaada Booliska Degmadaas.

Wuxuu sheegay in deeqdan ay kaga timid dhanka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada Somalia isla-markaana ay ka caawin doonto arimo badan oo markii hore ay dhib ku qabeen .

Qalabkan loogu deeay ayuu sheegay inay qeyb ka yihin Gawaari logu talo galay Ciidamada Booliska, Hub, iyo sidoo kale adeegyada kale ee lagama maar maanmka u ah shaqada Ciidamada Booliska.

Ibraahim Rooboow, waxaa  wax laga weydiiyay Cidda ka gacan siisay iyaga sugidda dhanka Amniga, waxaana uu sheegay in shacabka degmada ay taageero ka heystaan , isla-markaana ay garab istaag buuxda ay ka heystaan.

Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolada dalka ayaa inta badan ka cawda agab yari dhanka ciidanka ah , inkastoo iminka ay soconaya dadaalo saraakiisha ugu sareysa ciidamada ay kudoonayaan dhameystirka adeegyada ciidamada ay u baahan yihiin.

Caasimada online

Xafiiska beydhabo

Caasimada@live.com