Qalalaasihii Jigjiga oo xal laga gaaray iyo Mustafe Cagjar oo xog cusub bixiyay

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafa Maxamed Cagjar ayaa ka hadlay xal uu sheegay in laga gaaray qalalaasihii ka taagnaa magaalada Jigjiga.

Mustafa Cagjar, ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday deegaanka ay ka dambeeyeen waxa uu ugu yeeray haraadiga maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar, islamarkaana ay ka guuleysteen.

Wuxuu sheegay in dadkaasi ay yihiin Shabakad isku xiran oo dhibaato ka waday deegaanka Soomaalida, isagoona xusay in ay qaar kamida Shacabka ku wareejiyaan ciidamada Federaalka iyagoo eedeymo dusha ka saarayo.

Wuxuu digniin u jeediyay dadka wali ku howlan dhibaateynta shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida, isaga oo xusay in ciidamada amaanka ay ka hortagayaan dad kasta oo dhibaateynaya amaanka deegaanka.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka ayaa ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana jirta indhowr jeer Maxkamad lasoo taagay.

Waxaana isaga iyo shaqsiyaad kale loo heystaa  ku tagki fal awoodeed, iyo laynta dad badan.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com