Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhambaal ay Qaramada Midoobay u dirtay shaqaalaheeda ayey uga digtay, in ay isticmaalin ama ka cunteeyaan maqaayadda caanka ah ee “The Village” qaybteeda ku dhextaal garoonka Aadan Cadde.
Haddaba tallaabada ay qaaday Qaramada Midoobay ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid lagu cuna qabateenayo dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama maqaayadaan ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo xaq u leh inay dalkooda ku ganacsadaa.
Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay arrintaan ayaa ah in culeys la saaro maqaayadaha ay leeyihiin Soomaalida ee ku yaal garoonka diyaaradaha iyo Xalane, waxaana xusid mudan inay halkaas ku yaalaan Maqaayado ay leeyihiin dad ajaanib ah.
Xalane waxaa ku taal dhawr maqaayad oo ay leeyihiin dad ajaanib, waxaana la rabaa in lacagta ka baxeyso hey’adaha ajaanibta ah ay ku dhacdo gacanta dad shideeye, waxayna qaramada Midoobay fulineysaa jaceylkooda.
Maqaayadda the Village qeybteeda Xalane waxaa ka shaqeenayey Soomaali badan oo ilmahooda biil uga raadsan jiray, midaan waxay saameyn ku yeelan doontaa qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlay tallaabada cuna qabateynta ah oo ay Qaramada Midoobay kula dhaqaaqday Maqayadda ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.