Qaramada Midoobe oo soo saartay dalab culus oo la xiriira dilka xildhibaan Aamina

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qaraxyadii xalay gilgilay magaalada  Beledweyne, kuwaas oo  mid ka mid ahaana lagu dilay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

QM ayaa sheegtay inay si kulul u cambaareyneyso weeraradaas oo lagu dilay Aamino iyo dad kale oo isugu jiro askar, shacab iyo xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed iyo dadkii kale ee xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM.

Qoraalkan ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh loogu diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen halkaasi, kuwaas oo gaaraya illaa 20 qof.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyey dilka Aamino Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee ku dhintay dhacdooyinkaasi.

“Waxa ay ka tacsiyeynaysaa dilkaas, waxa ayna Qaramada Midoobay soo dhowaynaysaa in baaritaan lagu sameeyo falkaas foosha xun, iyadoo ku baaqeysa in hannaanka doorashada dalka lagu soo gabagabeeyo si nabad ah oo ammaan ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka

Maydka marxuumad Aamino Maxamed Cabdi ayaa loo soo duuliyey magaalada Muqdisho oo loogu sameyn doono Aas Qaran, sida uu sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Qaban qaabada aaska ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha caasimada, waxaana geerida Aamino Maxamed ay si weyn u taabatay Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo lagu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil Faarax oo dartiis loogu magac daray Hooyadii Cadaaladda.

Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u takanowday kiiska Ikraan oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.