28.2 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Qarax ay soo abaabuleen Al-Shabaab oo laga hortegay

Bookmark
Bookmarked

Share

Xudur (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal guuleystay oo ay maanta ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo lagu fashiliyay weerar qaraxyo ah.

Ciidamada oo helay macluumaad ayaa ka hortegay miino ay Al-Shabaab doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, iyadoo la fashiliyay ka hor inta aysan qarxin.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska degmada Xudur ayaa lagu sheegay in si taxadar ah looga hortegay qaraxa, isla markaana uu haatan socdo baaritaan dheeraad ah oo ay wadaan laamaha amniga.

“Booliska degmada Xuddur oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ayaa gacanta ku dhigay walxo qarxa oo ay Khawaarijtu u maleegeen shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu dhibaateeyaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale taliyaha saldhigga Booliiska degmada Xuddur, Aadan Wardheere ayaa dhankiisa shacabka uga mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Booliska.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay si wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, si looga hortego weerarrada kooxda Al-Shabaab.

Xudur ayaa kamid ah degmooyinkii ay Koonfur Galbeed kala wareegtay Dowladda Federaalka, kadib markii maamulka degmadaas iyo kan gobolka uu toos ula saftay Villa Soomaaliya oo ugu dambeyn meesha ka saartay maamulkii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Si kastaba, waxaana haatan ka socda qorshaha dhismaha maamul cusub, iyadoo barbar socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga oo ay wadaan ciidamadii dowladda ee horay loogu daabulay deegaannada maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News