Baydhaba (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.
Mahad Salaad oo saaka ka baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayo saraakiil ka tirsan NISA, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Mahad Salaad ayaa ku biiraya mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Baydhaba, kuna howlan dhismaha maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, maadaama meesha laga saaray madaxweynihii hore ee maamulkaasi Lafta-gareen.
Horay waxaa Baydhaba ugu sugnaa Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo horay ula kulmay ciidamada dowladda ee ku sugan magaaladaas, si looga digo inay ku lug yeeshaan dhibaato ama aargoosi ka dhaca halkaasi.
Tagista Mahad Salaad ee Baydhaba ayaa la filayaa in wax badan ka bedasho dhaq-dhaqaaqyada ka socda magaalada, iyadoo horay ciidamada NISA ay ula wareegeen amniga guud ee madaxweynaha oo haatan ku sugan halkaasi.
Dadaallada socda ayaa waxaa ugu muhiimsan hirgelinta qorshaha dowladda ee la xiriira sidii doorasho qof iyo cod ah uga dhici lahayd Koonfur Galbeed, loona soo dooran lahaa goleyaasha deegaanka, baarlamaanka iyo madaxweyne cusub.
Tan iyo markii uu ku dhawaaqay is-casilaadda Lafta-gareen, waxaa isa soo tarayey hadal-heyn ku saabsan in xaaladda siyaasadeed ee Baydhaba ay sidaas ku soo afjarmayso iyo in weli ay jiri karaan isbedello kale oo soo socda.

