Qarax culus oo ka dhacay magaalada Jowhar + Sawirro

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay halka loo yaqaano Todobada Geed oo ay ku yaallaan maqaayado ay dadka ku shaaxaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari NOAHA oo lagu soo raray walxaha qarxa, kaas oo uu isaga tegay wadihii gaariga, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Gaariga ayaa la dhigay meel ay dadka isugu yimaadan, sidoo kalena ay mararka qaar tagaan ciidamada ammaanka, waxaana la sheegay in muddo uu yiilay halkaasi, kahor inta uusan qarxin, balse laga shakiyey, taas oo keentay in shacabka ay isaga cararaan meesha.

Ugu yaraan 1 qof oo aheyd haweeney ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 4 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo saddex ka mid ah ay yihiin shacab, halka qofka kalena uu yahay askari ka tirsan ciidamada amniga, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka soo horjeeda hoteelka Nuur Doob oo uu dhawaan ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh.

Saraakiil ka tirsan laaamaha amniga ee dowlad goboleedka HirShablle ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeraad ah.

Jowhar oo ah caasimada HirShabelle iyo xarunta gobolka Shabeelah Dhexe ayaa wajaheysa xaalad amni oo daran, waxaana ka dhaca falal amni darro, sida qaraxyo & dilal qorsheysan.