25.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Daawo: Qarax culus oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Baraawe + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Baraawe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay Parking-ka diyaaradaha ee garoonka Baraawe, kadib markii uu halkaasi ku qarxay gaari Noah ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale saraakiisha amniga garoonka ayaa sheegay in gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu soo xiray, waxaana lahaa mid kamid ah ganacsatada qaadka magaalada Baraawe, wuxuuna baabuurku qarxay markii uu gaaray Parking-ka garoonka halkaas oo uu ka qaadi lahaa jaad.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay gaariga oo gebi ahaan gubtay, isla markaana dhex-yaalla gudaha garoonka, maadaama uu qaraxa uu dhacay waxyar kahor.

Weerarkan qaraxa ah ayaa saameeyay shaqadii garoonka oo hakad gashay, waxaana soconayo baaris ay wadaan saraakiisha laamaha amniga, si loo ogaado cida ka dambeysay falkaasi.

Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa badanaa weeraro ka fuliso kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanno hoostaga magaaladaasi.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana laga war dhowrayaa baaritaannada socda iyo natiijada kasoo baxda, maadaama weerarkan uu dhaliyay shaki xooggan iyo su’aallo ku aadan sida ay ku suuragashay in qaraxa uu gaaro gudaha garoonka magaalada Baraawe.

- Advertisement -

Read more

Local News