Kismaayo (Caasimada Online) – Qarax khasaaro geystay ayaa ka dhacay duleedka degaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose, kaa oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada Kenya.
Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada, waxaana lasoo sheegayaa in khasaaro uu ka dhashay Qaraxa.
Qaraxa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka kolonyada ah oo ay wateen ciidamada, waxaana soo gaaray burbur xoogan.
Kolonyada lagu weeraray Qaraxa ayaa kusii jeeday degaanka Hoosingoow, islamarkaana ka yimid dalka Kenya.
Inta la xaqiijiyay Afar Askari oo Kenyan ah ayaa ku dhaawacantay Qaraxa, kuwaa oo dib loogu celshay dalka Kenya si loo dabiibo.
Ma aha Qaraxii ugu horeeyay ee lala eegto ciidamo kasoo jeeda dalka Kenya, waxaana xusid mudan in ciidamadu ay mariin ka dhigtaan halka lagu qarxiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

