Qarax gaari oo ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow qarax gaari ah uu ka dhacay  degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay dhaawaca laba askari oo ka tirsan ilaalada shacabka ee ciidamada Nabad Sugidda (NISA) ee Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari qof shacab ah uu lahaa balse ujeedadiisa ay aheyd in lagu waxyeeleeyo askar ka tirsan hay’adda NISA, gaar ahaan ciidamada loo yaqaan ilaalada shacabka oo fadhiisan u ah halka gaari mar walbo la dhigi jiray.

Ciidamo ka socda hay’adda NISA iyo kuwa booliska ayaa goobta tegay, mana jirto cid loo qabtay qaraxaasi.

Qaraxyada iyo weerarada Muqdisho ayaa kordhay toddobaadyadii dhowaa, ayada oo weerar culus Khamiistii lagu qaaday garoonak Aadan Cadde ee Muqdisho, kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 6 qof, oo shan ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaa kasoo faah faahin doonaa Insha Allaah