Isbedel lama filaan ah oo ku yimid dagaalka Ukraine kadib go’aan ay qaateen Ruushka

Kyiv (Caasimada Online) – Dagaalka Ukraine ayaa isbeddel lama filaan ah uu ku yimid kadib markii ciidamada Ruushka ay billaabeen inay diiraddooda ka wareejiyaan isku daygii ay ku doonayeen inay ku qabsadaan caasimadda Kyiv, ayaga oo sheegay inay hadda u weecanayaan gobolka Donbas

Moscow ayaa tallaabadan ku qeexday mid lagu xoreynayo gobolka Donbas ee warshadaha badan, taasi oo weji cusub u yeeshay dagaalka. 

Weli ma cadda waxa ay tani hoggaamin doonto iyo haddii madaxweyne Vladimir Putin uu dib uga laabtay damacyadiisa, isaga oo raadinaya waddo uu kaga baxo dagaalka.

Ciidamada Ruushka oo markii hore weerar ahaa ayaa dhowaan billaabay inay dhufeyso difaac ah ka qotaan aagga Kyiv, halka kuwii Ukraine ee difaaca ku jiray ay billaabeen siqitaan, taasi oo tusmeysay heerka iska caabinta ciidanka Ukraine. 

Ciidamada Ruushka ayaa laga yaabaa in ujeedkoodu yahay inay dagaalka sii wadayaan ayaga oo yareynaya diiraddooda, ama damacsan inay dib isu urursadaan kadib guuldarrooyinkii ku asiibay bishii ugu horeysay dagaalka, sidaas darteena ay Donbas ka dhiganayaan bar cusub oo billow ah, sida uu sheegay taxliiliye Mareykan ah

Ciidamada Putin ayaa waxaa culeys badan uu ka saaran yahay qeybo badan oo ka mid ah Ukraine, waxaana Mareykanka iyo dalalka kale ay xoojinayaan hubka iyo sahayda ay u daabulaan Ukraine.

Maalmihii tegay, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay arkaan caddeynmo muujinaya in ciidamadii Ukraine ee difaaca ahaa oo meelaha qaar ka billaabay inay weerar qaadaan.

Horraantii toddobaadkan, waxay awoodeen inay weeraraan Markab weyn oo Ruushiyaan ah oo ku sugnaa deked ku teedsan xeebta Badda Madow.

Hase yeeshee, Ruushka ayaa weli guulo ka sheeganaya dagaalka, ayada oo Jeneraal sare uu sheegay in ciidamadooda ay ku guuleysteen “hadafyadii ugu waa weynaa” ee wejigii hore ee dagaalka, oo Moscow ay ugu yeertay “Howlgal gara ah.”

Jeneraal Sergei Rudskoi ayaa sheegay in ciidamada Ruushka “ay si la taaban karo u yareeyeen” awooodda dagaal ee militraiga Ukraine, sidaas darteedna ay ciidamada Ruushka “ay hadda dadaalkooda isugu gayn doonaan hadafka ugu weyn oo ah xoreynta Donbas.”