Sheekh Shariif oo shaaciyey cidda ka dambeysay dilka xildhibaan Aamina + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa muddo aamusnaan ah kadib ka hadlay weerarkii lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo weerarkii kale ee lagu qaaday garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde oo xarun u ah diblumaasiyiinta iyo AMISOM.

Sheekh Shariif ayaa weeraradaasi ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo ay fuliyeen kooxda argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in taasi ay muujineyso in amnigii dalka uu faraha kasii baxaayo xili la galay doorashooyinkii dalka.

Shariifka ayaa ugu baaqay hay’addaha amniga inay baaritaan dhab ah sameeyaan si mas’uuliyada cidii laheyd u qaadato, isagoona tilmaamay in hadii aan la helin nidaam iyo sharci in dowladnimada marna hirgeli karin.

“Dhamaan waxaan leenahay hay’addaha amniga iyo ciddii mas’uuiyadaasi iska laheyd baaritaan dhab ah loo sameeyo si mas’uuliyada ciddii iska laheyd dhab u qaataan ama loo saaro, hadaanu sharci iyo nidaam iyo kala danbeyn aysan jirinna  dowladnimadu ma hirgeli karto, marka ciddii ka gaabisay mas’uuliyadaas ama lug ku laheyd ka qeyb qaadashada ama dhibaateynta in loo helo caddaalad, waa tan kaliya ee looga qanci karo arrintaasi,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in doorashadaani tahay tii ugu dheereyd, sidaasi darteedna haddii ay doorashooyinka sii dheeraadaan inaan la huri doonin qalqal amni, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Sheekh Shariif ayaa ku adkeeyay inay ilaaliyaan waqtigii doorashada si dib danbe ugu dhicin xiliga loo qabtay, isagoona sheegay in taasi lagu heli karo amni is-ogolaansho iyo in ciddii guuleysata lala shaqeeyo.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii ka danbeeyay Sheekh Shariif ayaa isna fikir ka duwan kan Shariif qaba isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in dilka xildhibaan Aamina uu lugaha la galayo dowladda.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xildhibaan Aamina loo dilay sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil iyo caddaalad u raadinta qoyskeeda, isaga oo si dadban farta ugu goday Villa Somalia.

Daawo Sheekh Shariif