AFGOOYE: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

Qaraxa oo ahaa mid goobta lagu sii diyaariyey ayaa ka dhacay meel mashquul badan, gaar ahaa suuqa Qudaarta ee degmada Afgooye, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay inta badan tagi jireen ciidamada waaxda Canshuuraha ee maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay qaraxan, balse weli maamulka degmada Afgooye kama bixin faahfaahin dheeraad ah, sida ay wax u dhaceen.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan oo ay ka fuliso Al-Shabaab oo weli xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxan ayaa ka mid noqonaya weerarada abaabulan ee ay Al-Shabaab ka fulineyso dalka, xilli dowladduna ay sare u qaaday howlgallada ka socdo koonfurta iyo bartamaha Somalia.