Qarax kale oo maanta laga maqlay Kabul iyo militariga Mareykanka oo sheegay in…

Kabul (Caasimada Online) – Qarax la tuhunsan yahay inuu ka dhashay gantaal lasoo tuuray ayaa maanta ka dhacay magaalada Kabul saacado kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ka digay weerar kale oo argagixiso kadib qaraxii Khamiista.

Qaraxii Khamiista oo uu fuliyey qof ismiidaamiyey ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof, oo ay ku jiraan 13 ka mid ah ciidamada Mareykanka, kuwaas meydadkooda maanta la keenay garoon diyaaradeed ciidan oo ku yaalla gobolka Deleware.

Qaraxa galabta oo aad u dhowaq dheeraa ayaa laga maqlay dhinaca waqooyi ee magaalada, ayada oo sarkaal ka tirsan dowladda la riday ee Afghanistan uu sheegay inuu ka dhasha gantaal kusoo dhacay guri halkaas ku yaalla.

Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo Khasaraaha ka dhashay qaraxan.

Qaraxa ayaa imanaya ayada oo safaaradda Mareykanka ee Kabul ay Sabtidii baahisay digniin xooggan oo ku saabsan inuu dhici karo weeerar lala beegsado qeybo ka mid ah garoonka diyaaradaha Kabul, oo ay ku jiraan albaabada laga galo garoonka.

Isla Sabtidii, Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in weerar aargudasho ah lagu dilay laba xubnood oo sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee Afghanistan, oo la tuhunsan yahay inay ka dambeysay qaraxii Khamiista.

Dhinaca kale, war goor dhow kasoo baxay militariga Mareykanka ayaa lagu sheegay inay maanta ay Kabul fuliyeen duqeyn kale oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Afghanistan.