Midowga Musharaxiinta oo Afar qoddob uga hadlay kulankii ay maanta yeesheen

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa war kasoo saaray kulan ay maanta ku yeeshen magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayey xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka.

Musharax Daahir Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Mucaaridka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afar qoddob looga hadlay kulankaas, kuwaasi oo badankooda la xiriira habraacii doorashada ee ay sida adag uga horyimaadeen.

“Waxaa kulankii maanta ee Midowga Musharaxiinta lagu gorfeeyay culeysyada ka jira dalka guud ahaan iyo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaa hoosta looga xariiqay afar arrimood oo waaweyn” ayuu yiri.

Afarta qoddob ee looga hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa kala ah;

1. Daaha doorashada, mugdiga soo galay, niyad-jabka bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

2. In la is xasuusiyay in Golaha Midowga Muaharixiinta u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la isku haleyn karo oo daah furan ay ka dhacdo dalka.

3. Inay wada-hadallo la leeyihiin madaxda Golaha wada-tashiga doorashooyinka, si gaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.

4. In Xukuumadda uu horkacsyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo la leeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.