Axmed Madobe ‘oo dhowaan booqasho ku tagaya’ Gedo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dhawaan safar taariikhi ah ku tago Gobolka Gedo oo muddo badan ka maqan gacanta maamulkiisa.

Safarka Axmed Madoobe oo ku aadan ka hor doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalumuu) oo hadda kamid ah siyaasiyiinta taageeran madaxweynaha Jubaland.

Macalumuu ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe safar u ku tegi doono Gobolka Gedo, balse wuxuu xaqiijiyey inuu socdo qorshaha safarkiisa.

Sida laga soo xigtay, Macalimuu horey uga mid ahaa garabka Villa Soomaaliya ee gobolka Gedo, booqashada Axmed Madoobe waxaa ka horeyn doonta socdaalo ay halkaas ku tagi doonan madax uu ku xigeenkiisa kamid yahay.

“Axmed Maxamed Islaam ayaa imaanaya gobolka Gedo oo raba in uu gobolkiisii indha-indheeyo. Ciddii diideysa oo iska celin karto markaas ha iska celiso. Laakiin afka waa laga sheegi karaa ma imaanayaa raggaas,” ayuu yiri.

“Gobolkaan waxa uu hoostagaa Jubaland, nin diidan iyp nin ogolaadaba waxaa madaxweyne u ah Axmed Maxamed Islaam, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa, waa in lagu shaqaayaa sharcigii ay isku raaceen Ra’iisul Wasaaraha qaranka iyp Madaxda Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri Cismaan Macallimuu.

Dhanka kale, Waxa uu qiray in muddaadii uu guddoomiyaha Gedo uu ahaa in go’doon adag Gobolka galay, dadka ay kala go’go’een iyo culeys kale uu lasoo dersay Shacabka halkaas ku nool balse looga gudbay dedaalka uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Marbaa rag aan aniga ku jiray la leexiyay oo lanagu leexiyay si sharci darro ah, halka sanno aan ka shaqeynayay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray,” ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji.