Hubka lagu wareejiyay Galmudug, Puntland miyaa ku deeqday mise waa laga been sheegay?

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Gobaleedka Puntland ayaa maanta Maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug ku wareejiyay 10 gaari oo 8 kamid ah ay yihiin kuwa dagaalka, hal booyad iyo hal gaari amblunce ah. 

Maamulka Puntland ma cadeynin in gaadiidka iyo hubka saaranba ay yihiin hanti ay laheyd Puntland oo loogu deeqay Galmudug, sidoo kale Galmudug ma cadeynin in hubka iyo gaadiidkaba ay yihiin wax loogu deeqay iyo mid ay Galmudug laheyd oo laga heestay toona. 

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Cabdiladhiif Muuse Nuur Sanyare waxa uu warbaahinta u sheegay in wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi uu ku wareejiyay gaadiid gaaraya 10 gaari, laakiin ma uusan sheegin in gawaarida ay laheyd Puntland. 

Ilo wareedyo kala duwan oo ka kala tirsan Puntland, Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka maanta lagu wareejiyay Galmudug ay ahaayeen kuwa muddo sanado ah ku xayirnaa Dekadda magaalada Boosaaso oo ay maamusho Puntland, waxaana loo waday Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in gaadiidkaan uu gaarayay ilaa 24 gaari, waxaana bixisay dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo loogu talagalay qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya oo ka howlgasha degaanada Galmudug. 

Xiliga gaadiidkaan laga dajiyay Dekadda Boosaaso ayaa ku aaday iyadoo ay dagaalo qaraar oo u dhaxeeyey maamullada Galmudug iyo Puntland ay ka socdeen magaalada Gaalkacyo, waxaana xilligaas labada maamul kala hoggaaminayey Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. 

Madaxweynihii maamulka Puntland ee xiligaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa amray in gaadiidkaas la xayiro, waxaayna Puntland gaadiidkaas ka isticmaashay 14 gaari, halka 10-kii hartay maanta lagu wareejiyay Galmudug. 

Xogta ayaa sidoo kale tilmaameysa in maamulka Puntland ay ku deeqeen qoryaha ku xirnaa gaadiidka dagaalka oo ah 8 qori oo dhashiikeyaal ah. 

Wareejinta gaadiidkaan ayaa timid kadib wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku dhaxmaray Madaxweynayaasha labada maamul. 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa dhigiisa Puntland Saciid Deni weydiistay in loo fasaxo qeybtii ka hartay gaadiidkii looga xayiray Dekadda Boosaaso, kadib markii dhowaan maamulkiisa dagaalkii Camaara looga qabsaday gaadiid badan. 

Maamulka Puntland oo dareensan khasaarihii Galmudug ka soo gaaray dagaalkii degaanka Camaara, sidoo kalena ku dadaalaya in aysan usoo dhawaanin khatarta Al-Shabaab ayaa wareejiyay gaadiidkaan, sidoo kalena ku deeqay hubkii saarnaa. 

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa sidoo kale ku heshiiyay in aan la faah-faahin xaqiiqda gaadiidka maanta la wareejiyay, waxaana la sheegay in Galmudug ay balantaas fulisay, iyadoo eegaysa baahiyaha ay gaadiidkaas u qabto iyo hubka la siiyay. 

Allaha u naxariistee taliyihii qeybta 21-aad ee Milateriga Soomaaliya Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa soo bilaabay dadaallada ay Galmudug dooneysay inay kula soo wareegto gaadiidkaan.

Hase yeeshee waxaa dib u dhigay khilaafaad siyaadeed u dhaxeeyay labada maamul iyo dowladda federaalka, iyadoo ka hor inta aan la xalin qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo lagu dilay Jeneraal Qooje.

Hoos ka eeg sawirrada gaadiidka lagu kala wareegay