Nin Kenya uga tagay inuu ku biiro kooxda Daacish ee Somaliua oo xukun lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday nin la yiraahdo Cabdisamad Ibraahim Cumar oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha gobolka Bari ee Puntaland.

Cabdisamad oo ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda isaga oo jooga Nairobi kahor inta aanu u safrin Soomaaliya sida laga soo xigtay kooxaha dambi baarista.

Cabdisamad ayaa tagay buuraha Galgala sanadkii 2016 kii halkaas oo uu si rasmi ah kooxda uga mid noqday. Sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista dhawr dagaal ayuu ka qaybgalay intuu joogay Puntland kuwaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish, iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo kooxda kale ee Al-Shabaab.

Tababar ayuu kusoo qaatay Tuulada Il & Camaaro sida xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida uu kahor sheegay Maxkamadda, waxaana markii dambe loo wareejiyay qaybta muuqaal duubista.

Hay’adaha amniga ee dawladda federaalka ayaa Cabdisamad ka qabtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo uu doonayay inuu uga gudbo magaalada, balse maxkamad ciidan oo la soo taagay ayaa garsooraha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in eedeysanaha lagu helay dambiyadii loo haystay laguna xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay soo bandhigeysay shaqsiyaad ku eedeysan in ay katirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish & kuwo la xukumay oo dhageysiga kiisaskooda heerar kala duwan maray.