Tigrayga oo ku gacan seeray hindise Midowga Afrika ka yimid, weerarna ku qaaday

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay Midowga Afrika (AU) eex, maalmo kadib markii ururku uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu dhexdhexaadiye ka noqdo colaadaha ka taagan dalka Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) Getachew Reda ayaa ku eedeeyay AU in ay u eexatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay “caqli -darro tahay in la filaayo in howlgalkan uu shaqeeyo”.

Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa hareeyey rabshado tan iyo bishii November ee sanadkii hore, markii Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray, si ay u afgembiyaan TPLF oo ah xisbiga talada gobolkaas haya.

Abiy Axmed ayaa sheegay in tallaabada uu ciidamada ugu diray gobolkaas ay jawaab u tahay weeraradii lagu qaaday xerooyinka ciidamada dowladda federaalka ku lahaayeen gobolka Tigray.

Guuleystaha abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019, wuxuu ballanqaaday guul deg deg ah, laakiin dagaalku wuxuu sii jiitamayey muddo bilooyin ah, taas oo dhalisay dhibaato bini’aadanimo oo ka dhacday gobolka Tigray, halka fallaagadu ay qabsadeyn qeybo kamid ah gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Abiy Ahmed ayaa horay u diiday inuu wadahadal la yeesho hoggaamiyeyaasha Tigrayga, isaga oo ku adkeystay inuu meesha ka saari doono madaxda TPLF.

Khamiistii, ururku Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu Obasanjo noqdo wakiilka sare ee Geeska Afrika, isagoo sheegay inay qayb ka tahay “dadaal lagu horumarinayo nabadda, amniga, xasilloonida & wadahadalka siyaasadeed”.

Laakiin afhayeenka TPLF Getachew ayaa iska fogeeyay qorshahaan, isagoo yiri: “Aad bay noogu adag tahay inaan ogaano sida dadku ay si macquul ah uga filayaan kaalin wax dhisaya hay’ad uu musuq-maasuqa u bixiyey magaca aad u xun”.

“Xallinta xiisadda ugu yaraan waxay u baahan tahay in la qiro jiritaanka, iskaba daaye baaxadda ay le egtahay dhibaatada,” ayuu ku qoray Twitterkiisa afhayeenka TPLF.

Dagaalka Itoobiya ayaa caddeeyey inuu yahay mowduuc xaxaasi u ah Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.