Xaalad halis ah oo ka taagan gobolka Bakool (Faah-faahin)

Xudur (Caasimada Online) – Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo ay ugu horeyso degmada Xudur.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in xaaladdu ay mareyso meel adag oo u baahan gurmad deg-deg ah, xili ay degmooyinkaas go’doon ugu jiraan kooxaha argagixisada.

Cumar Daa’uud Khaliif, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool ee arrimaha Gargaarka iyo Samafalka oo la hadlay idaacada Mustaqbal ayaa sheegay in sidoo kale uu shuban biyood uu ka dilaacay degmada Xuddur, xili ay ka jirto xaalad biyo la’aan ah.

Cumar ayaa sheegay in culeyska ugu weyn uu saaran yahay degmooyinka Xuddur iyo Waajid oo martigeliyay qoysas isaga soo baxay deegaannada go’doonsan. Waxaa gebi ahaana xiran isku socodka degmooyinka.

“Xaalad aad u adag ayaa ka taagan Degmada Xuddur, meelaha qaar biyo la’aan ayaa ka jirto, carruurta yar waxaa haleelay shuban biyood, Magaalada Yeed waa sidaas oo kale, ma jirto degmo u gudbeysa degmo kale,” ayuu yiri Cumar Daauud Khaliif.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in laga hortago dhibaatooyinka inta aanay guud ahaan usii gudbin bulshada, isagoona ka dalbaday xukuumadda iyo hay’addaha samafalka inay kaalin weyn ka qaatan sama-tabixinta qoysaskaas.

Si kastaba, xaalada go’daanka ah ee uu ku jiro gobolka Bakool ayaa toban jirsatay, ayada oo marar badan ay Koonfur Galbeed ballan-qaaday wax ka qabashada xaaladaas, waxaana sare usii kacaya dadka kusii qulqulaya Xudur oo xiligan uu ka jiro dhaq-dhaqaaqa ugu badan.