Faah-faahin ku saabsan ciidanka Badda Puntland oo maanta fuliyay howlgal culus

Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF  ay  hawlgallo qorshaysan ka fuliyeen halkaas.

Ciidamada PMPF  ee Puntland ayaa weerarada qorsheysan ka fuliyey deegaanada Durduri, Ceelaayo, Dhadhaab, Warbid, Majayahan iyo Togga Dhagcaan halkaas oo xudun u ah maleeshiyada kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wax faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka uu u dhacay howlgalkaan iyo khasaaraha ka dhashay, balse war kasoo baxay Ciidamada Badda ee Maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyey inuu howlgalkaan dhacay isla markaasna uu ka dhan ahaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

“ Ciidamada Badda Puntland ee PMPF waxaa markasta ka go’an u qareemidda shacabkooda, ka jiridda dhulkooda falalka liddiga ku ah horumarka, ka cidhibtiridda Baddooda Burcadda, Jiriifka, Mukhaadaraadka, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka kootarabaanka ah iyo waxkasta oo wadanka dhib ku ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Ciidanka Badda Puntland.

Ciidamada PMPF  ee Puntland ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan deegaanada  Durduri iyo Ceelaayo, halkaas oo la sheegay inay horay u joogi jireen Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay Al-Shabaab iyo Daacish oo ku saabsan sheegashada Maamulka Puntland, waxaana labadaan koox la rumeysan yahay inay awood ballaaran ku leeyihiin dhulka Buuraleyda ah ee ku yaal Gobollada Bari iyo Sanaag.