Daawo: Gabdho magaalada Muqdisho ka billaabay arrin dad badan ka yaabisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho laga billaabay durista bushimaha dumarka, taasi oo dad badan ku noqotay arrin la yaab leh, inkasta oo ay tahay arrin ka jirta dunida horumartay.

Haween badan ayaa intii la furay xaruntaas iska xaadiriyey si loogu weyneeyo bishimaha, kuwaasi oo qaarkooda ay sheegen in muddo dheer ku fikirayeen sidii ay u weyneyn lahaayeen bishimahooda.

Filsan oo kamid ah haweenka magaalada Muqdisho gudaheeda is-bedelka loogu sameeyay bishimahooda oo la hadashay Shabelle Tv ayaa sheegtay in ay aad u jeceshahay durashada bishimaha.

“Weligay waa iska jeclaa in aan durto Alxamudilah waa markii u horeysay ee Soomaaliya laga helo, waa ku qanacsanahay, waxaana jecleystay in aan dibnaha durto dookheyga weeyi aad baa u jeclahay,” ayey tiri.

Haweenka ayaa inta badan loogu tiriyaa inay wax uga badalaan jirkooda, si ay kor ugu qaadan quruxdooda, middaasi oo mararka qaar horseeda halis caafimaad.

Arrintaan ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn loogu hadal hayey baraha bulshada, ayada oo dadka qaarkood ay ku tilmaameen arrin yaab leh oo aan loo baahneyn, halka qaar kale ay sheegen inay tahay arrin loo baahna oo Soomaaliya kala mid dhigeysa dunida horumartay.

Hoos ka daawo warbixinta