Farmaajo oo gobolka Gedo uu gacantiisa kasii baxayo

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Kadib sanado uu dagaal badan u galay, dartiisna u xayiray in dalka ay doorasho ka dhacdo, madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu hadda luminayo gobolka Gedo ee beeshiisa ay degto.

Siyaasiyiinta miisaanka leh ee gobolka Gedo, ayaa mid mid uga siibanaya xerada madaxweyne Farmaajo, ayada oo badankood ay u galayaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ama ay iskood u istaagayaan.

Laba toddobaad kahor, Farmaajo wuxuu waayey wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kadib markii uu kasoo waday Beled-Xaawo oo uu keenay Muqdisho dib uga furtay saddex bil kadib. Janan ayaa looga baxay ballamo badan oo dhaqaale uu ugu weyn yahay.

Sidoo kale, waxaa Axaddii shir jaraa’id magaalada Garbahaarey ku qabtay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka, oo sheegay in Gedo ay hoos tagto Jubaland, oo Axmed Madoobe uu madaxweyne u yahay.

Siyaasiyiinta Gedo ee kasoo horjeestay Farmaajo, waxay ku hadleen luuqad isku mid ah, ayaga oo sababta ay u raacsan yihiin Axmed Madoobe ku sheegay in dagaalka dowladda federaalka iyo Jubaland uu wax badan ku waayey gobolka.

Xubnahan ayaa sheegay in muddadii sanadka iyo barka aheyd ee xiisadda ay ka jirtay Gedo, uu gobolka waayey mashaariic badan, oo uu ka heli lahaa ama loo soo marin lahaa maamulka Jubaland.

Waxay sababta ku sheegeen in gobolka uu u gacan galay maamul sharci-darro ah oo ay soo magacowday Villa Somalia, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa intaas kasii daran in muddadaas Villa Somalia iyo dowladda federaalka aysan wax dhaqaale ah siin gobolka, taasi oo muujineysa in Farmaajo markii horeba dano shaqsi uu watay, ee aanu gobolka u daneyneyn.

Waxaa hadda muuqata in si tartiib ay awoodda maamulka Gedo ugu gacan galeyso Axmed Madoobe, inkasta oo ciidamada taageersan Farmaajo ay weli haystaan qeybo ka mid ah gobolka.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dhawaan safar taariikhi ah ku tago gobolka, oo muddo badan ka maqan gacanta maamulkiisa.

Safarka Axmed Madoobe oo ku aadan ka hor doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) oo hadda kamid ah siyaasiyiinta taageeran madaxweynaha Jubaland.

Macalumuu ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe safar u ku tegi doono Gobolka Gedo, balse wuxuu xaqiijiyey inuu socdo qorshaha safarkiisa.